Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada u fadhiya codeynta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre, kadib markii uu dalbaday wasiirka.
C/llaahi Goodax Barre oo hortagay Baarlamaanka ayaa ka codsaday in loo qaado codka, maadaama mooshinka uu isaga ku wajahan yahay.
“Xubnaha baarlamaanka sharafta leh waxaa idinka codsanayaa mooshinkan, mar hadii toos iigu wajahan yahay waxaa codsanayaa in la ii codeeyo, codkiina aad i siisiin ama aad ii diidaan”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.
Ilaa 7-saf oo ay ku fadhiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hada gacan u taagaya Wasiirka, iyadoo socoto tirinta codka, lamana oga sida wax noqon doonaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa todobaadkii hore ka gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay shuruucda maamul u sameynta.