Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Casho sharaf u sameeyay Kooxda Garowe City(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Casho sharaf Caawa ugu sameeyay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe kooxda Garowe City oo kaalinta labaad ka gashay koobka Kolayga ee Bariga iyo Bartamaha Africa.

Casho sharafta uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland u sameeyay dhalinyaradaasi waxaa goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,mamulka Gobalka Nugaal,kan degmada Garowe iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxwayne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku labisanaa dharka Ciyaaraha ayaa si kal iyo laab ah ugacan qaaday uguna Hambalyeeyay dhalinyaradii guusha wayn u soo hoyay Puntland iyo Soomaali inteeda kale ee Kaalinta labaad ka gashay koobka Kolayga ee Bariga iyo Bartamaha Africa.

”Guul aan ka dhicin soomaaliya 25-kii sano ee la soo dhafaay ayaan dhihi karnaa waay soo hoyeen dhalinyaradani,waxana leeyahay marka u horaysa Hambalyo,magac baad soomaliya u soo jiideen,magac baad Puntland u soo jiideen,magac baad magaladi aad Magaceeda ku dheelaysen u soo jiiden”Ayuu yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas .

”Ciyaaruhu waxa ay kamid yihiin,waxa isu soo dhawaynaya umadda Soomaaliyeed,mid kamid ah wiilasheenuna waxa uu noqday ninka ugu goolasha badnaa waana wax lagu Farxo”Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

Madaxwayne Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ah ugu Mahadceliyay Cabdirashiid Xasan Xirsi Baki oo ahaa Gudoomiyihii Hogaaminayay Dhalinyaradaasi ku dheelaysay Magaca Caasimada Puntland ee Garowe.

Kooxda Garowe City ayaa Kaalinta Labaad ka gashay Koobka Kolayga ee Bariga iyo Bartamaha Africa,waxana si dirqi ah Kooxdani uga badiyay koox ka socotay Caasimadda Masar ee Qaahira .

IMG_3386 IMG_3387 IMG_3388 IMG_3395 IMG_3396 IMG_3397 IMG_3399 IMG_3405 IMG_3406 IMG_3408 IMG_3409 IMG_3410 IMG_3411 IMG_3412 IMG_3420 IMG_3421 IMG_3422 IMG_3427 IMG_3428 IMG_3429 IMG_3432 IMG_3447 IMG_3449 IMG_3453 IMG_3457 IMG_3462 IMG_3463 IMG_3464 IMG_3475 IMG_3484 IMG_3485 IMG_3488 IMG_3490 IMG_3494 IMG_3495 IMG_3503 IMG_3506 IMG_3507 IMG_3510 IMG_3514 IMG_3519 IMG_3401 IMG_3403 IMG_3404 IMG_3414 IMG_3417 IMG_3419 IMG_3433 IMG_3435 IMG_3445 IMG_3470 IMG_3472 IMG_3474 IMG_3496 IMG_3501 IMG_3502


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369