Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Urur Goboleedka IGAD oo Amaan usoo Jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Urur-goboleedka IGAD ayaa shalay amaanay sida uu u shaqeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in dalalka ku bahoobay Urur-goboleedka IGAD ay la socdaan horumarrada uu ku tallaabsaday baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in qaabka uu u shaqeeyo baarlamaanka uu yahay mid mudan ammaan iyo bogaadin.

Hadalkan ayuu Maxamed Cabdi Afeey ka sheegay qado sharaf safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia ay shalay magaalada Addis Ababa ugu samaysay wafdi ka socday baarlamaanka Soomaaliya, taas oo sidoo kale lagu casuumay  xubno ka tirsan baarlamaanka Ethiopia.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
afey

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369