Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka hadlay Caruur la Afduubtay.

$
0
0

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ay la soo xiriireen 5 qof oo sheegay in ay yihiin waaliddinta carruur afduub loo haystay oo shalay ay badbaadiyeen ciidanka ammaanka ee maamulka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb, Xasan Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay in dadka la soo xiriiray ay kala joogaan degmooyinka Afgooye, Buulo-mareer iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Xasan Cabdullaahi ayaa xusay in ay hubin doonaan dadka la soo xiriiray in ay yihiin waaliddiinta carruurta iyo in kale, kaddibna gacan la hubo ay ku wareejin doonaan carruurta.

Wuxuu tilmaamay in carruurta aanay jirin wax dhibaato ah oo ay qabaan, isla markaana lagu xannaanaynayo guriga Hooyooyinka ee maamulka Ximan iyo Xeeb ee degmada Cadaado.

Carruurta ayaa isugu jira hal wiil iyo 17 gabdhood, waxayna da’dooda u dhaxeysaa 6 jir ilaa 11 jir.

Wasiirka ayaa sheegay in ay baaritaanno ku socdaan dadkii soo afduubtay carruurta, isagoo xusay in haddii lagu helo caddeymo muujinaya in ay falkaasi iyagu ka dambeeyaan caddaaladda la hor gayn doono si loogu qaado dambigooda.

Ximan-Iyo-Xeeb


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles