Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

:Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo Magaalada Garowe kaga qayb galay Xaflad lagu maamuusayo Maalinta dhalinyarada Somalia SYL(Sawiro).

$
0
0

:Madaxwaynaha Dolwada Puntland oo Magaalada Garowe
kaga qayb galay Xaflad lagu maamusayo Maalinta dhalinyarada Somalia
SYL.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa
Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Garowe kaga qayb galay Xaflad
Balaaran oo lagu maamusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliya ee SYL.

Munaasibada ayaa waxaa sidookale ka soo qayb galay,Golaha Wasiirada
Puntland,Mudanayaasha baarlamanka Dowlada
Puntland,Waxgarad,Isimo,Dhalinyaro,Haween,iyo dhalinyaro tababar
maalmihii ugu dambaysay uga soconayay Garowe,oo ka kala yimid
degmooyinka Buuhoodle,Laas-qoray iyo Towfiiq oo katirsan Puntland.

Mudadii ay socotay xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad
katurjumaysa dhibaatada ay leedahay Tahriibta,iyadoona dhalinyarada
looga wacyigaliyay in ay ka feejignaadan dhibaatadaasi,noqdaana kuwo
ka faa’iidaysta khayraadka dhulkooda ku jira .

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa
cadeeyay in xukuumada Puntland ay door muhim ah ka qaadatay sidii
xilal muhiim ah loogu soo magacabi lahaa jiilka soo koraya,isagoona
tusaale u soo qaatay Maamulka Heer degmo iyo Heer gobol oo badan kood
hogaanka u hayaan Dhalinyaro.

Mudane C/raxmaan Shiikh Axmed oo ah Wasiirka
shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo hadalka
qaatay ayaa isna ka dhawaajiyay in Wasaaradiisu ay ku mashquulsantahay
sidii laysugu soo dhawayn lahaa dhalinyarada Puntland ee ku kala nool
Gobolada Puntland .

”Waxa ugu muhiimsan waa dhalinyara,nimada,waxa ugu qiimo badana waa
Nafta,waxana dhalinta kula talin in ay ka fiijignaadan khatarta
Tahriibta,riwaayadii la soo bandhigayayna waxay ahayd wax xaqiiq ah
”Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Puntland Mudane
Siciid Xasan Shire .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo
halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay maalintani u
leedahay bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaa Puntland iyo doorka
dhalinyarada kaga aadan horumarka dalka,waxana uu tilmaamay in
dhalinyaradu tahay laf dhabarka bulshada.

”Markaad wadankaaga joogto waxa aad badali karto iyo waxa aad samayn
karto ee wanaga ah awood umalihid intaasi oo idil in aad dibada ka
samayso,sabab too ah umad kale ayaad la joogta kaana tiro badan,laakin
waxa yar ee Puntland aad ka samayso dadkaaga oo idil ayay
gaaraysa”Ayuu yiri Madaxwaynuhu .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa
Sidookale ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee loo soo galay
madaxbanaanida dalka Soomaliya iyo doorki ay dhalinyardu ku lahaayeen
halgankaasi.

IMG_3290

15-ka May sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay
aas’aaseen ururkii gobanimo doonka ee SYL, waxaana ka soo wareegtay 71
sano,dhalinyaradaasina waxa ay ahaayen kuwo dareemay dhibaatooyinka
gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL,
iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay
heeryada gumeysigii reer Yurub

IMG_2844 IMG_2850 IMG_2852 IMG_2856 IMG_2862 IMG_2867 IMG_2879 IMG_2886 IMG_2890 IMG_2890_1 IMG_2892 IMG_2894 IMG_2897 IMG_2905 IMG_2907 IMG_2914 IMG_2918 IMG_2928 IMG_2931 IMG_2941 IMG_2943 IMG_2945 IMG_2946 IMG_2951 IMG_2956 IMG_2963 IMG_2966 IMG_2967 IMG_2968 IMG_2969 IMG_2970 IMG_2975 IMG_2984 IMG_2987 IMG_2989 IMG_2997 IMG_3020 IMG_3025 IMG_3031 IMG_3035 IMG_3037 IMG_3042 IMG_3044 IMG_3052 IMG_3056 IMG_3060 IMG_3063 IMG_3077 IMG_3079 IMG_3083 IMG_3089 IMG_3097 IMG_3108 IMG_3136 IMG_3142 IMG_3146 IMG_3157 IMG_3159 IMG_3179 IMG_3187 IMG_3191 IMG_3194 IMG_3196 IMG_3202 IMG_3207 IMG_3214 IMG_3218 IMG_3220 IMG_3229 IMG_3231 IMG_3238 IMG_3244 IMG_3250 IMG_3261 IMG_3262 IMG_3265 IMG_3267 IMG_3269 IMG_3277 IMG_3283 IMG_3290 IMG_3292 IMG_3303 IMG_3308 IMG_3309 IMG_3314 IMG_3317


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles