Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Dega Koonfurta Soomaaliya oo gaaraya ilaa iyo 50-oday ayaa shalay soo gaaray magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.
Odayaasha Beelaha Koonfureed ee Hargeysa yimid ayaa kasoo kicitimay maagalada Muqdisho, kuwaasoo uu soo diray Madaxweynaha DF ee Soomaaliya si ay ugu gogol xaaraan wadahadalo dhex dhexaadin ah oo dhex mara Beelaha Hawiye iyo Isaaq, ayaa hadana la sheegay inuu jiro arimo Siyaasadeed oo lug ku leh mashruuc laga soo qaatay dawladda Turkiga oo ah is dhex galka Beelaha Hawiye iyo Isaaq.
Odaasha Beelaha Hawiye oo ay ku jiraan rug caadaayo Siyaasadeed oo ku xeel dheer arimaha kicinta iyo dagaalada Sokeeye ayaan ilaa iyo hada wax war ah saxaafadda siin, waxeyna ku gaabsadeen in Safarkoodu ku wajahan yahay sadex qodob oo kala ah:
1-hanbalyo ku aadan wixii ay qabsadeen reer Somaliland
2- Barasho ay ka baranayaan nidaamka dowladda nimo.
3-iyo ugu danbeeyn Talooyin iyo fikrado ay u sidaan maamulka iyo Odayaasha Isaaq.
Odayaasha ayaa durba guda gulay howlaha ay u yimaadeen iyagoo kulamo gooni gooni ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Beelaha Isaaq iyo qaar ka mid ah Golaha Gurtida Somaliland.