Dowlada Puntland ayaa Faah Faahin dheer ka bixisay dagaal habeenkii Xalay ku dhexmaray Buuraha Galgala Ciidamada Xooga Puntland iyo Rag katirsan Al-shabaab .
Dagaalkaan oo muddo kooban socday ayaa Al-shabaab waxaa gacanta looga dhigay laba nin halka laba nin oo kalana dagaalkaasi looga dilay sida ay warbaahinta u soo ban dhigeen Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Galan.
”Waxaan helanay warbixin sheegaysa in Ciidamo katirsan Al-qaacida ay wadada isku xirta Degmada Carmo iyo Boosaaso dhexdeeda gaar ahaan Dhinaca Buurta Galgala xigta in ay ka samaynayaan qorshe ah gaadiid usiday Haween iyo Alaab halkaasi kula wareegayeen ”Sidaasi waxaa yiri Cabadiraxmaan Muslim oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari .
”Ciidanka Puntland halkaas bay ka howlgaleen islamarkiiba waxay la kulmeen dablay hubaysan oo ah argagixisada ka dagaalanta buuraha gal gala iyo Calmadow,dadka ka dagalamayay halkaasina waxay ahaayen 11nin iyo Labo Dumar ah ”Ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyuhu .
”Waxay ciidnka Puntland halkaasi ku dileen laba Nin oo Argagixisada katirsan,nin waxaa layiraahdaa Suulay nina waxaa la oran jiray Khaalid labadaa nin waa dhinteen,nin meeshii baa looga yimid nina hada waxa uu yaala Cisbitaalka ”Sidaasi waxaa yiri Cabadiraxmaan Muslim.
”Waxaan sidookale gacanta ku dhignay Nin layiraahdo Xaajuu Shiikh Nuur oo isagu aan waxna qabin,magaciisa Xarakiga ahna waxaa layiraahdaa Shii Shaam,Ninka labaad ee dhaawaca ahna waxaa layirahda Maxamed Cabdi Axmed ”Ayuu Hadalkii Raaciyay Taliye Muslim.
Ciidanka Dowlada Puntland ayaa Maalmihii ugu dambaysay dar dar xoogleh kaliyay Howlgalada ay ku baacsanayaa Ururka Al-shabaab oo ka dagalama qaybo kamid ah Dalka Soomaaliya .
Source:-Daludugnews.com.