Ilaa 41 Xildhibaan oo ay iska soo xuleen Xildhibaanadii saddex maalin ka hor ku yeeshay magaalada Muqdisho shir ay ka soo saareen 14-qodob oo Madaxweyne Xasan Sheekh looga dalbanayay inuu is casilo ayaa galabta la balansan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Warar ay heshay Raadreeb.com ayaa sheegaya in marka Xildhibaanada ay warqada talo soo jeedinta ee is casilaada Madaxweynaha u gudbinayaan Nicholas Kay oo horay Xildhibaanadu ku ogeysiiyeen bayaankii sadex maalin ka hor ay soo saareen.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa u sheegay Raadreeb.com in dalabkooda yahay in Madaxweynaha is casilo, isla markaana aanay marna ka laaban doonin, iyagoo ku hanjabay hadii uu diido inay ka keenayaan mooshin.
Inkastoo aanay Xildhibaanada wali gudbin wax mooshin ah, hadana waxaa muuqata in xaalada bilow tahay, maadaama ay qoraalo u kala gudbiyeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa wali kulan la leh Madaxweynaha, si ay ugu gudbiyaan bayaankooda tala soo jeedinta ee ay ku dalbanayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu is casilo.
Lama oga sida ay wax noqon karaan iyo mowjadahan siyaasadeed halka ay dul-hogan doonaan, waxaase la saadaalinayaa in xaalku noqon in Baarlamaanka ku soo biyo shubto, laguna kala baxo sidee doonta ha noqotee.