Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Yemen(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen waxa uu shalay kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Dawladda Yemen Dr. Abu-Bakar Abdullahi Al-Qirbi.

Kulanka Madaxweynaha Iyo Wasiirka ayaa saacado qaatay, waxayna kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xiriirka Puntland iyo Yemen iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Yemen Dr. Abu-Bakar Al-Qirbi waxaa ay si wada jir ah u sheegeen in Puntland iyo Yemen uu ka dhexeeyo deris wanaag, isla markaana ay yeelanayaan wada shaqayn dhow, si looga adkaado arga-gixisada, burcad badeeda iyo wixii kale ee amaanka gobolka hoos u dhimaya.

1 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369