Waxaa maalinimadii shalay (03.05.2014) magaalada Frankfurt ka dhacay shirwaynihii 4 aad ee Jaaliyada Qurba-joogta Puntland ee dalka Jarmalka ee loo yaqaano PDF Germany, shirkan ayaa waxaa ugu horayntii lagu soo bandhigay waxqabadkii PDF Germany sanadkii tegay ee 2013 oo ay ugu waynayd taakulayntii dadkii ku waxyeeloobay Duufaantii ka dhacday Puntland oo Jaaliyadu gaarsiisay dhaqaale gaaray 17.744 US $ iyo Mashruucii deeqdii Laba Ton oo daawa ah oo Jaaliyadu u gudbisay Dawlada Puntland, iyo weliba Mashaariicda horumarinta ee sanadkan socda kuwaasi oo Jaaliyadu ku talo jirto inay hirgelintooda.
Xubnihii ka hadlay shirka ayaa waxaa ka ahaa dhalinyarada C/qadir Maxamed Ismaciil ayaa ka hadlay waxqabadkii Jaaliyada, Marwo Sahra Cabaas Faraax oo ku hadlaysay magaca Gollaha Haweenka ayaa ku baraarujisay dhalinyarada inay waxbartaan isla markaana naftooda iyo dalkooda u faa’iideeyaan.
Gollaha Odayaasha oo uu u hadlay Xaaji Abshir Axmed ayaa ku dheeraaday muhiimada ay midnimadu u leedahay Soomaalida Qurbaha joogta, Sidoo kale gudoomiyaha Jaaliyada Qurba joogta Puntland ee dalka Jarmalka, Maxamed C/raxman Cali ayaa ka qayb galayaashii shirka ku booriyay inay ka shaqeeyaay wadajirka Bulshada.
Gunaanadkii shirkan ayaa waxaa ka soo baxay Qodobada kala ah:
1. In la qabto shirwayne lagu midaynayo Jaaliyadaha Puntland ee wadamada Yurubta.
2. In la balaariyo Gollayaasha Maamulka iyo Dhaliyaradda ee Jaaliyada PDF Germany.
3. Qabanqaabada Munaasabad lagu xusayo sanadguurada 17 aad ee aas aaskii Puntland.
Mustafe Siciid Aden (bucuf)
Afhayeenka Jaliyada PDF Germany.
Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view.