Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ogeysiis Muhiim Ah :-Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood oo dib loo Dhigey.

$
0
0

imageGudiga qaban qaabada xaflada caanashubka boqorka beelaha Daarood Boqor Axmed Boqor C/laahi Boqor Muuse oo u xoghaya ka yahay nabadoon Cismaan Nuur Cismaan ayaa warbaahinta soo gaarsiisay in dib udhac uu kuyimid xaflada caano shubka boqorka tasoo ay gudiga ka codsadeen isimada iyo salaadiinta lagu casumay caanashubka oo qaarkood dhul aad u fog ka imaanaya, waxaana xiliga caanoshubka loo badalay 20 bisha May , halkii markii hore loo balansanaa 8 bisha May 2014.

Waxaa inoo sharaf inaad nagalasoo qeybgashaan Caleemo Saarka Boqorka qoomiyadaha Daarood BOQOR AXMED BOQOR CABDULLAHI oo ah curadkii Allaha u naxriistee Boqor Cabdullahi Boqor Muuse(Kinkong). Xaflada caleemo saarka waxay ka dhici doontaa Magaalada Qardho xarunta Gobolka Karkaar ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Taariikhda marka ay tahay 20 bisha May 2014. Kuna beegan maalinta Talaadada.

 Kalasoo xiriir Guddiyada Caleemo Saarka:

Jubbooyinka iyo Gedo     +0618527958

Jigjiga, DDSI                    +251911093462

Puntland, Somalia             +0907702022

 

Waabillahi Toowfiiq,

Xoghayaha Guddiga Caleemo Saarka.

Nabadoon Cismaan Nuur Cismaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles