Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo La Kulmay John Kerry(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya  ayaa magalada Addis ababa kula shiray Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry oo labo maalin ka hor magalada Addis ababa kula shiray wasiiradda arrimaha dibada,Itoobiya,Kenya iyo Uganda.

Xasan Shiikh iyo John Kerry ayaa ka wada hadlay arrimo salka ku haya ammaanka Muqdisho iyo howlgalada ay kooxda Alshabab wali ka siiwadaan magalada Muqdisho iyo qaabka wax looga qaban karo.

Inta uu kulankoodu socday waxay soo hadal qaadeen suurta galnimadda habka ay doorashada dadwaynaha Soomaaliya uga dhacayso maadama sanooyinkii lasoo dhaafay aan la diyaarin qorshihii doorashada halka qof iyo halka cod ah.

Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku fashilantay wax ka qabasho la’aanta ammaanka Muqdisho iyadoona mudooyinkii u danbeeyay ay u muuqatay in kooxda Alshabab ay kusii xoogaysanayso qaar ka mid ah degmooyinka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo ay saaxiibo dhow yihiin madaxwayne Xasan Shiikh ninka la yiraahdo Muunguub ayaa inta badan xilalkii ka qaaday duqaydii degmooyinka Banaadir waxana durba bilowday in alshabab ay maalin cad disho dad wax ku ool ah oo xilal kala duwan ka hayay magalada.

Maraykanka ayaa dhaqaalo faro badan ku bixiya xaalada ammaan iyo mida hormarineed ee Somalia hase yeeshee waxay u muuqataa in aan wali si wanaagsan guul looga gaarin adkaynta Amniga Muqdisho.

Docda kale waxa jira khilaaf u dhaxeeya Xasan Shiikh iyo Ra’iisulwasaraha Itoobiya taasoo qayb ka ah safarka uu madaxwaynaha dalka ku tagay dalka Itoobiya iyo sidii loo dhamayn lahaa arrintaasi.

Qaar ka mid ah dalalka taageera Somalia ayaa saluug ka muujiyay siyasada Xasan Shiikh maadama uusan wali si hugan ugu guulaysan hirgalinta nidaamka federaalka iyo sixitaanka mamulada ka jira Magalada Baydhabo oo caqabad ku noqday howlaha Dowlada Federaalka.

BmtBkHCCMAAm1cA-740x488

kerry_iyo_mohamud_1 kerry_iyo_mohamud_2 kerry_iyo_mohamud_3 kerry_iyo_mohamud_5


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles