Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Somaliland oo isku Shaandheyn ku Sameeyey Agaasimayaal iyo Gudoomiyeyaal Gobol.

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland ayaa xaley goor dambe ku sameeyey isku shaandheyn kooban gudoomiyayaasha gobolada iyo howlwadeeno kale oo Ka tirsan Wasaardaha.

Isku shandheytaan ayaa xilka looga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yusuf Ibraahim Geedi, Wasiir ku xigeenka amniga Cabdulahi Abokor Cismaan, Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise, Agaasimihii Guud ee wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yusuf iyo Agaasimihii Guud ee diinta iyo awqaafta Cabdirashiid Cabdulahi Maxamad.

Waxaa kale oo uu xil u magacaabay Siilaanyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo horey u ahaa gudoomiyihii hore ee Ururka saxafiyiinta Somaliland halka Fahmi Cabdi Bidaar u magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxiil-na u magacaabey Wasiir ku Xigeenka Amniga halka Madaxtooyada loo magacaabey Axmad Cali Maygaag.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa Isku badal ku sameeyey Shan Agaasime Guud.

Isku badalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya markii uu soo dhamaadey shirweynaha Guud ee xisbul xaakimka Kulmiye oo dhowaan Hargaysa lagu qabtay.

Badalaada Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ayaa imaaneysaa dhinaca kale maalmo kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha booqasho kaga soo noqdeen wadanka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa cabasho kasoo gudbisay Gudoomiyaha Gabiley iyo saraakiil kale kadib markii ay si xun ula dhaqmeen Diblomaasiyiin Ka timid magaalada Addis Ababa kuna wajahanaa magaalada Hargeysa taasoo keentay inay walaac Ethiopia muujiso.

qau


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles