Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Mareykanka oo ugu baaqay wadamada bariga Afrika in si deg deg ah ciidamo ugu diraan Koofurta Sudan.

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dalalka Bariga Afrika in si deg deg ah ciidamo ku filan ugu diraan dalka Koofurta Sudan, si loo soo afjaro colaadaha ka socda dalkaas oo galay lix bilood.

Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka John Terry oo booqasho ku maraya afar dal oo Afrikan ah ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Midowga Afrika iyo wasiirada arrimaha dibada dalalka Uganda, Kenya iyo Itoobiya.

Tirada ciidamada la geynayo iyo xilliga ay tagayaan ayaa la sheegay in laga wada hadlay, waxaana howl galkan si wada jir ah u taageeraya Mareykanka iyo Qaramada Midoobey.

Mr Terry ayaa ka digay xasuuq ka dhaca dalka Koofurta Sudan, markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad fara badan lagu laayay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Bentiu.

Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalka Koofurta Sudan, kadibna uga gudbo Congo iyo Angola, isagoo safarkiisa loo arkay mid ahmiyad gaar ah u leh qaarada Afrika.

Wasiirada Arrimaha dibada Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xasilinayo dalka Koofurta Sudan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa horay uga fikirayay suurta galnimada in ciidamo nabad ilaalin oo ka socda shan dal oo gobolka ah loo diro, waxaana qorshahan ahaa mid socday in muddo ah.

Koofurta Sudan ayaa waxaa ka dhacayay dhowrkii bilood ee u dambeeyay dagaalo dad badan ku dhinteen oo u dhaxeeyay dowladda iyo Mucaaradka, iyadoo mucaaradka la wareegeen dhowr magaalo oo muhiim ah.

140429225342_john_kerry_atlantic_council_conference_29_apr_2014_afp_304x171_afp_nocredit


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles