Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxa Hay’adda ILO Ee Somalia(Sawiro).

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland Ing. Cabdi-xakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa xafiiskiisa saaka ku qaabilay madaxa hay’adda ILO ee Somalia PAUL CROOK.

Madaxweyne Camey iyo Mr PAUL ayaa ka wada hadlay mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda ILO ka fuliso Puntland , kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhisida jidadka, taba barka shaqaalaha, dhisida kawaanada xoolaha lagu qalo, xirfad u samaynta dhalinyarada iyo mashaariic kale.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Puntland Cabdi-xakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda ILO ku amaanay mashaariicda ay Puntland ka fuliso, wuxuuna sidoo kale ku adkeeyey in kor loo qaado mashaariicda kala duwan ee ILO ay gacanta ku hayso.

Madaxa Hay’adda ILO ee Somalia Mr PAUL ayaa Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu qaabilay, wuxuuna sheegay in hay’adda ILO ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Puntland.

IMG_1870 IMG_1876 unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles