Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo isniin ah waxaa lagu qabtay banaanbax roob doon ah.
Masuuliyiin dowladda ka socotay,Culimo iyo dadwayne aad u faro badan ayaa isagu soo baxay bananka magalada Garowe waxayna alle ka baryayeen inuu raxbadiisa ugu naxariisto.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo marka Salaada roobdoonta laga baxay shacabka la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in alle dambi dhaaf iyo cafis la waydiiso isla markasna naxariistiisa laga dal bado.
Shiikha ayaa shegay dalka inuu ka jiro dhibaatooyin badan oo u baahan in EEBE loo baryo inuu ka dulqaado.
Wasiirka Cadaalada Puntland Ismaaciil Maxmaed Warsame ayaa sheegay sababta roob doontan loo sameeyay inay tahay xiligii la sugayay roobka ee Gu’ga uu ka dib dhacay balse loo baahan yahay in alle la baryo.
Inta badan magaalooyinka waa wayn ayaa maanta lagu qabtay banaanbaxyo roob doon ah oo illaahay roob looga dalbanayo.