Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Faallo-Yow Igmaday ?(By.Idiris Dooxa-Joog).

$
0
0

yow-igmadayShirka ka socda Bahar-dar Ethiopia waa shir leh saamayn sarraysa kolka loo eego arrinka uu ku howl leeyahay ee ah AMNIGA AFRIKA , Madasha dawladdi Soomaaliya ma joogto , badalkeedana waxaa dhex fadhiya maamul Goboleed ka mid ah maamul Goboleedyadda dalka Soomaaliya ee wadda hoos yimaada Dawladda dhexe ,sida Dastuurku qabo.

Shir heer qaaraddeed gaarsiisan arrinka looga hadlayaana yahay arrin door sarre leh   horay maamul goboleed uguma matalin dalka Soomaaliya oo waa dhacdo ugub ah tanu .

Arraga dhacdadaan waxa si dagdag ah maanka u dhex muquuraaya iswayddiimo dhowr ah oo la xiriira dhacdada ,Waa Maamulka Puntland oo ka qayb galay shir ka furmay Magaaladda Bahar-dar ee dalka Ethiopia ,shirkaas ayaa loogu magac daray Ka hadalka Amaanka Afrika .

 

Puntland Somalia & Sudan

Puntland Somalia & Sudan

Shirka dalka Soomaaliya dawladdiisa madax ka socotaa ma joogaan , Maamul Goboleedyadda kale ee dalka Soomaaliya kama soo qayb galin shirka , Puntland ayaa kali ku ah , halki dalka Soomaaliya dawladdiisa laga filanaayay fadhiga Madashaan ka wadda xaajood amniyeedka qaaradda  waxaa ka muuqda Magaca Maamul Puntland oo ay gadaal ka raacsan tahay Soomaaliya (Puntland-Somalia).

Arrinkaan ah in Maamul Goboleedka Puntland (MGPL) ka qayb galo shir qaaraddeed meeshana ay ka maqan tahay dawladdi dhexe ee Soomaaliya ,waa dhacdo ay dadka Soomaaliyeed iska wayddiinayaan YOW IGMADAY Puntland in ay shirkaas ka qayb gasho ? Aaway Dawladdi Soomaaliya ee dalka Soomaaliya dawladdiisa ahayd ? Ma Puntland ayaa matali karta dalka Soomaaliya iyadda oo ah Maamul Goboleed la awood ah Maamul Goboleedyadda kale sida uu qabo xeerka u dhigan dawladda Soomaaliya ee ku aadan Federaalka ? Sidee u arki karaan maamul Goboleedyadda kale Matalka Puntland matalayso dalka Soomaaliya ? Halkay ku taal awooda u igmashadda dawladda dhexe u igman karto maamul Goboleed ka mid ah Maamul Goboleedyaddu in uu ku matali karo dalka Soomaaliya wadda-xaajood dibaddeed  waaba haddii dawladda Soomaaliya Puntland u igmatay Ku matalka dalka Soomaaliya shirkaas? Waa See saamaynteedu ?

Yow Igmaday ?

Innaga oo iswayddiimaha sarre qaybo ka mid ah ka wayddiincelinayna aynna Faallaynta dhacdadaanu caynkaas innoo ahaanayso aynnu ku hor maro Yow Igmaday Puntland in ay Soomaaliya madal wadda xaajood dibaddeed ku matasho ? Ma jiro sheegitaan ka soo baxay dawladda dhexe ee Soomaaliya oo ay ku sheegayso in ay Puntland u igmatay matalka shirka AMAANKA AFRIKA ee Bahad-dar ka socda .

Dastuur ahaan kolka loo laabto dastuurka dawladda Soomaaliya ka hadalkiisa wadda-xaajoodyadda caalamiga ah waxa uu sheegayaa in dawladda Soomaaliya ay matasho dalka oo dhan kolka ay joogto wadda xaajood dibaddeed , Maamul goboleedyadduna ay ku darsan karaan wakiilo ka socda Madaxda dawladda Federaalka ah ee wadda-xaajoodkaas ka qayb galaysa .

Haddaan sharciyadda u dhigan dawladda Federaalka ahi ogolayn in Maamul Goboleed matali karo Soomaaliya oo ku matali karo iskaashi dibaddeed ,dawladda Soomaaliya shaacin in ay Puntland u dirsatay haba ku xad gudubto dastuurkee , Malaha Puntland Ethiopia ayaa ugu yeertay shirka ka qayb galkiisa ogolaanshahana siisay ??

Aaway Dawladdi Dhexe ?

Doorkaan waxaa iska leh dawladda Dhexe ee Federaalka ah , mana aragno Madax ka qayb gashay shirka oo ka socda dawladda Dhexe ee Soomaaliya , Kolkaas ma dawladda dhexe ayaa gabtay doorkeedi ? Maxay u sheegan matalka guud ahaan dalka Soomaaliya ? Halkay jirtaa dawladdi dhexe ? Maxayse u banaysay kaalinteeda dibaddeed ee ka wadda xaajoodka arrimaha Amniga .

Ma matali kartaa ?

Maamul Goboleed ma matali karaa dalka Soomaaliya kuna matali karaa shir heer qaaraddeed ah arrinka looga hadlayaana yahay mid saamayn caalamiyeed leh ? War-celinta oo aan doondoonkeedu adkayn waa MAYA ,oo Puntland kuma matali karto dalka Soomaaliya shir dibaddeed , dawladda Soomaaliyana uma igman karto doorkaas Maamul goboleed .

Si u arraga Maamuladda kale .

Maamuladda Goboleedyadda kale waxay u arki karaan xad-gudub iyo ku tigrifal sharciyeed ,kala dambayn la’aan iyo in Puntland hor booday arrimo ka reeban sida dastuurku qabo .

Waxay kolkaas Maamuladda kale iyaga oo ka fal qaadanaaya dhacdadaan doonayaan iyaguna kolkooda in ay tagaan dawladdo dibaddeed kana soo dhamaystaan ka qayb galka shirar caalamiyeed iyadda oo la harreer maraayo dawladda dhexe .

Galmudug , Koonfur Galbed iyo kuwo kaleba waxay leeyihiin xaquuq la mid ah tan ay Puntland leedahay , Dastuurka Federaalkuna ma qabo in Maamul Goboleed si gaar ah u leeyahay awood ka qayb galid shir dibaddeed , waana howl u taal dawladda dhexe .

Amni ayaa looga hadlayaa ,sidi la iska kaashan lahaa oo kaalmo la isugu fidin lahaa ,kolkaas Puntland miyaa u hadlaysa Galmudug iyo Koonfur-galbeed , aaway dawladdi dhexe ee dhammaantood hoos imaanayeen ?

Dastuurka iyo dhacdada .

Qoddobka 53-aad ee dastuurka Federaalku waxa uu qabaa in dawladda Soomaaliya leedahay awoodda wadda xaajoodyadda dibaddeed , haddii wadda xaajoodku si gaar ah u saamaynaayo maamul goboleed gaar ah waa in Maamul goboleedkaasu ku darsadaa xubno ka socda xubnaha dawladda dhexe u dirayso wadda xaajoodkaas .

 

Qoraha Idiris A. Dooxa-joog

Qoraha Idiris A. Dooxa-joog

Sidaynnu korba ku soo sheegnay ma jirto awood dastuureed sheegaysa in maamul Goboleed dalka Soomaaliya ku matali karo wadda hadal dibaddeed.

Waa see Saamaynteedu ?

Saamaynta ka dhalanaysa Maamul Goboleed ayaa dalka Soomaaliya matalaaya , dhan Bulsheed waxay tusaysaa dadka Soomaaliyeed in dawladda dhexe tahay tu aan dalka Soomaaliya dawlad u madax bannaan u ahayn ee dawladdo kale ay faragalin xoogan ku hayaan dalka Soomaaliya siyaasaddiisa , sida in dadka qaybtood u arki karaan in dawladda Ethiopia ay ugu yeertay Puntland shirka .

Dhanka usoo dhowaanta illaalinta sharciga dawladda dhexe ee dhamaan dalka dawlad goboleedyaddiisa wada qabta ayay ka dhigaysaa tu yahuun hoose ay ka muuqanayso .

Dawladda dhexe ayay dadka Soomaaliyeed intooda maamul goboleedyadda kale ku dhaqani ay u arkayaan mid doorkeedi gabtay oo gaabis ah , arrimihi iyadda u gaarka ahaana ay maamul goboleedyo qaateen .

Dawlad dhexe oo awood lihi ma jirto , sharci dhowrid iyo kala dambaynina ma taalo meesha , waa jaantaa rogan oo maamul goboleed hadduu maanta shir qaaraddeed ka qayb galay Soomaaliyana ku matalay  waxaynnu sugnaa maamul goboleed shir caalamiyeedna Soomaaliya usoo fariistay .

Dhamayn .

Ugu dambayn waa dhacdo tilmaamaysa in dalka Soomaaliya siyaasaddiisu tahay tu jaah-warreersan , dawladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhidaana gabtay doorkeedi ahaa ku dhaqanka dastuurka u dhigan ,Maamul goboleed shir qaaraddeed soo fariista oo wadda xaajood dibaddeed ka qayb galaa waa dhumminta rajjadda dawladnimo guud oo awood leh .

Fiiro Gaar Ah:Faallaynta dhacdadu waxay ku egtahay isla waddaaga saamaynteeda oo aan iswayddiimaha ka dhalan kara iyo dhinacyo kala duwan ka istaageeda dhacdada isla waddaagayno .

Fiiro Gaar Ah:Faaladani Waxay u Gaar Tahay Qoraaga Magaciisu ku Xusan Yahay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles