Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Magaalada Garoowe oo lagu qabtay Barnaamijka JPLG ee Horumarinta Degmooyinka Puntland(Sawiro).

$
0
0

Qorshaha sanadkan uu ku howlgalayo barnaamijka hormarinta degmooyinka ee JPLG ayaa maanta shir looga arinsanayo waxa lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland.

lacag ka badan sanadkii hore barnaamijka JPLG ayaa sanadkan 2014 ku darsatay wuxuna ku shaqo galayaa cadad lacageed oo dhan $1.876.470 sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Yaasiin Saalax  oo ka tirsan wasaradda Maaliyadda.

Shirka oo ka dhacay xarunta wasaradda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda lixda degmo ee uu JPLG ka shaqeeyo,madaxda wasaradda Maaliyadda iyo wasaradda arrimaha gudaha.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Axmed Yaasiin ayaa tilmaamay mashruucaan in sanadka uu dhaqaale faro badan ku darsamay sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga wada tashado sidii looga hirgalin lahaa degmooyinka uu ka shaqeeyo iyo sidii mamulada ka jira ay doorkooda u muujin lahaayeen.

Dowladda dhexe boqolkii toban ayay lacagu ku bixisaa barnaamijkan,halka dowladaha hoosena ay boqolkiiba shan baxshaan waxana loogu soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee uu barnaamijka soo maray iyo danta laga lee yahay sanadkan.

Axmed Jowle ayaa sheegay sanadkan inay barnaamijka ka rajayn doonaan inuu hormar baaxad-le la yimaado isla markasna isbadal looga dareemo degmooyinka uu ka shaqeeyo.

Degmooyinka Eyl.Garowe,Jariiban,Qardho,Bandarbayla iyo Bosaso ayuu barnaamijkan hadda ka shaqeeya waxana lagu wadaa inay kusoo kordhaan degmooyin kale oo ay Gaalkacyo ka mid tahay.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa barnaamijkan xooga saaray wuxuna ku cadaadiyay hay’addaha caalamiga ah inay waxqabad muuqda la yimaadaan si kor loogu qaado hormarka degmooyinka Puntland.

IMG_0035


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles