Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta kala diray gollaaasha deegaanka Degmooyinka Jariiban iyo Galdogob.
Waxa uu kaga dhawaaqay shir uu saaka Degmada Jariiban kula qaatay waxgaradka Jariiban iyo xildhibaanada deegaanka wuxuna sheegay inay muhiim tahay in si cadaalad ah shacabka loogu addeego lagana dhabeeyo is-badalka ay dowladdiisu ku baaqday.
“Waxaan maanta halkan ka sheegeya inan kala diray golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galdogob iyo Jariiban,waana in si dhaqso ah loo soo dhisa golayaasha deegaanka muddo ka yar 72-saac”.madaxwaynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in la heli mamul ku shaqaynaya rabitaanka shacabka.
Dr.Cabdiwali Cali Gaas ayaa maalmihii ugu danbeeyay safaro kala duwan ku marayay degmooyin ka tirsan Gobalka Mudug waxa uu maalinkii shalay gaaray degmada Towfiiq oo Mudug dhanka koonfurta kaga taala.
iyadoona Degmadaasi ay noqotay tii ugu danbaysay booqashadiisa Mudug balse wararka naga soo gaaraya magalada Gaalkacyo ayaa sheegaya madaxwaynaha iyo waftiga la socda inay kusoo wajahan yihiin saacado ka dib Gaalkacyo.
Ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay waxana jira warar sheegaya in madaxwaynaha uu ku wajahan yahay safar dalka Itoobiya lana yaabo inuu ka dhoogo garoonka diyaaradaha ee “Cabdilaahi Yuusuf”.
Socdaalka uu Mudug ku jooga Madaxwayne Gaas ayaa qaatay maalmo faro badan marka loo eego kuwii uu ku tagay Bari iyo Karkaar.