Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Isaaq Maxamed Riino ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Xamar Weyne, gaar ahaan agagaarka Viisho Governo.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loogu xiray Xildhibaanka gaarigiisa, gaar ahaan qeybta kursiga darawalka, waxaana la sheegay in gaariga markii uu dhaqaajiyay wax yar kadib uu qarxay.
Xildhibaanka ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, hase ahaatee intii loo sii waday uu geeriyooday sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Dhuux uu ku dhaawacmay qaraxa
Goob joogayaal ayaa sheegay in Xildhibaanka keligiis uu ku dhintay qaraxa, iyadoo uu ku dhaawacmay ruux kale oo shidaal ku iibinayay dhabarka dambe ee Viisho Governo.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii qarax sidan oo kale gaari lagu xiray uu ku dhintay Xoghayihii degmada Wadajir, waxaana qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay mudooyinkii u dambeeyay ahaayeen kuwo ku soo badanayay magaalada Muqdisho, isla markaana Mas’uuliyiin dhowr ah dhimasho iyo dhaawac loogu geystay.