Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Puntland oo War-Saxaafadeed kasoo Saarey Qabsashada Somaliland ee Degmada Taleex.

$
0
0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15kii April , 2014, ciidamada maamulka
Somaliland  waxay si gardara leh ugu soo xadgudbeen deegaano ku dhow
Degmada Taleex oo ka tirsan Puntland, kuwaasoo  wali sii wada
xadgudubyada ay ku hayaan dadka iyo dalka  reer Puntland.
Gardaradan iyo daandaansiga , Golaha Wasiirada  Dawlada  Puntland
shirkii ay iskugu yimaadeen  waxay kasoo saareen qodobadan soo socda:

1.Dowlada Puntland waxay si kulul u canbaaraynaysaa xadgudubka qaawan
ee maamulka Somaliland , waxayna uga digaysaa Dawlada puntland
cawaaqib xumada ka iman doonta gardaradooda.

2.Puntland waxay in badan ku baaqaysay ilaalinta nabadda iyo daris
wanaaga; hadii taa la waayo,  Puntland waxay diyaar u tahay inay
daafacdo dadkeeda iyo dalkeeda.

3.Waxaan uga digaynaa maamulka Siilaanyo taageerada, taakulaynta iyo
la shaqaynta kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab oo liddi ku ah nabada
iyo xasiloonida Puntland,  Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

4.Daan daansiga maamulka Siilaanyo ee uu kusoo qaaday deegaamada
Puntland, wuxuu salka ku hayaa fashilka siyaasadeed ee ka haysta
gudaha maamulkiisa si uu u  jaah-wareeriyo shacabkiisa.

5.waxaan ogaysiinaynaa Wadamada Ururka IGAD, Midowga Afrika, iyo
beesha caalamka in Puntland aanay u dulqaadan doonin gardarada
joogtada ee maamulka Siilaanyo iyo wada shaqaynta uu la leeyahay
Al-Shabaab.

Ugu dambayntii  waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa in arintan
talaabo deg deg ah laga qaado.

Xukuumada-Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles