Haweeney u dhalatay gobolka Utah ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay dishay lix carruur ah oo ay dhashay oo meydkoodi laga helay shandado yaalay gurigeedi hore.
Megan Huntsman oo 39 jir ah, waxay dhashay carruurta intii u dhaxeysay 1996 – 2006.
Ciidanka booliiska ayaa ka helay toddobada meyd guri ku yaal Pleasant Grove. Weli ma kala cadda sababta loogu qaaday dambi ah inay dishay lix qof.
Ninkeeda oo ay kala maqan yihiin oo aan dacwad lago soo oogin, ayaa meydka ugu horreeyay ka helay garaash kadibna u sheegay booliiska.
Megan Huntsman waxaa maxkamadda xabsiga Utah ay ku qaadday dambiga dilka Lix qof maalintii Axaddii.
Darren West ayaa qudhiisa xabsi ugu jiray dambiyo mukhaadaraad oo lagu helay xilligii ay wada joogeen.
Afhayeen u hadlay booliiska, ayaa sheegay inay u maleynayaan in aanu arrintan waxba ka ogeyn.
Booliisku aad ayay uga naxeen markii shandadahaasi fureen ee meydadka ay ka heleen.
Baaritaan DNA ayaa laga qaadaya labadoodaba si loo ogaado carruurta cidda dhashay.