Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Boqolkii Cisho ee Ugu Horeeyey Xafiiska Madaxweyne Gaas Safar ayuu ku Dhamaystay.

$
0
0

Boqolkii Cisho ee ugu horaysay xafiiska madaxweyne  Gaas iyo golhiisa wasiiradu  Safar lacag badan ku baxday ayey ku dhamaysteen.

Madaxweynaha Puntland Ca/welli Gaas ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu ka bixi la yahay socdaalo uu ku bixinayo deeggaanada Puntland. Hadaba, madaxweynaha oo ku talagalay in uu daryeelayo dhaqaalaha Puntland ayaa waxaa muuqata in taas aysan dhicin, waxaana dhab ah, in safaradan faraha badan uu ku baxayo qarash aad u badan.

Tusaale ahaan, Madaxweynaha waxaa la socoda ciidan badan oo ay ku baxeeso lacag ka badan marka aan socod jirin, shidaal  aad u badan oo ku baxaya gawaarida ay wataan, dadka loo tagayo oo qarash aad u badan  la gelinayo, gaar ahaana, sugida iyo sarre u qaadida ammaanka gudaha ee magaaladaas iyo qarashaadka soo dhaweeneed ee hurdo, qaad, cunno iyo qarashiyaadka kale ee yar yar.

Hadaba, dad badan oo aan la sheekeestay ayaa ii sheegay in magaalooyinka iyo tuulooyinka dadkii degganaa ay  isku wada daydeen oo cid walba ay leedahay muxuu madaxwyne Gaas noogu iman waayey? Si kastaba ha ahaatee, socodkana faraha badan ee aan kala joogsiga laheen ayaa dadka badankiisa ay qaarba si u fasirteen, laakiin waxaa haboon in booqashooyinka ay noqodaan kuwo waqti ay u dhaxeeyaan oo welibana ay noqodaan kuwo baahi ay keentay, laakiinse aysan noqon mid sidii qof doorasha ku jira oo kale in degma walba iyo tuulo walba la istaagayo iridkeeda.

Teeda kale, waxaa jirra wasiiro sidii loo doortay aan xafiiska fariisan oo la socoda madaxwynaha, tanina waa mid wax u dhimeysa isbedalkii ay balan qaadeen xullufada isbedal doonka ah. Hadaba, su’aasha meesha taal ayaa ah dhaqaalaha Puntland maka bixi karaa safarada isdaba jooga ah ee Madaxweyne Gaas oo u baahan qarash dheeri ah? Suurtagal ma tahay in degmo kasta iyo tuulo kasta albaabka laga istaago? Ma hoboontahay in Madaxweyne Gaas uu dib u fiiriyo socdaaladan aan wax buuran soo kordhineen, laakiin qarash uun soo kordhinaya?

Gabagabadii, safaradan faraha badan ee lagu marayo degmooyinka iyo tuullooyinka waa kuwo lacag badan ay ku baxeeyso, waana mid hoos u dhigeysa shaqadii laga sugayey Madaxweyne Gaas iyo wasiiradiisa. Waxaana dhab ah, inaan tuulo walba iyo degmo kasta aan albaabka la istaagi karrin, laakiin la sameeyo hab Madaxweyne Gaas uu ku helli karo warbixinaha magaalooyinkaas isagoo fadhiya xafiiskiisa sida hadii xannuun dillaaco, biyo yari ay dhacdo, daggaal daan daansi ah uu soo kordho, iyo hadii waxyaabo kale oo lama fillaan ah ay soo kordhaan, laakiin sida haddeer ay wax ku socdaan waa mid mushaar la’aan dhigi doonta shaqaalaha doolada.

IMG_9227


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles