Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha dawladda Puntland Oo Xariga Ka Jaray Dhismayaal Loogu Tala Galay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Gaalkacayo(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Oo Xariga Ka Jaray
Dhismayaal Loogu Tala Galay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool
Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntlandi Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa
xariga ka jaray guryo ka kooban 483-guri kuwaasi oo loog tala galay
inay hoy ka dhigtaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Magaalada
Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Gurayahan ayaa waxaa 483- ka mid ah ku deeqday hay;’adda NRC oo ka mid
ah hay’adha ka shaqeeya Puntland, halka loo dhisay dadka
barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Gaalkacayo, halka 200- oo
gurina ay ku deeqday hay’adda DRC oo iyaduna qayb ka ah hay’adaha ka
shaqeeya arrimaha bulshada.

Dhismayaashan oo laga kala dhisay kaamamka barakacayaasha ee
Hala-booqad iyo Salaama ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu  udhagax
dhigay suuq u gaar ah, waxaana dhismaha suuqaasi fulisay hay’adda DRC
kaasi noqonaya suuq ay si gaar ah uga adeegtaan dadka barakacayaasha
ah ee kunool labadaasi xaaafadood.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli  Intii uu ku sugnaa
xaafadaha dadka  barakacayaasha ah waxa uu kala kulmay soo dhoweyn
diiran, iyagoo sheegay in Madaxweyne Gaas uu noqday Madaxweynihii ugu
horeeyey oo soo booqda, isla markaana ay ku faraxsan yihiin guryaha uu
xariga uga jaray ee maanta lagu wareejiyay.

Kormeeradan kala duwan iyo xarig jarida wadooyinka iyo guryaha
barakacayaasha ee Madaxweynaha Dawladda Puntland uu maanta ka sameeyey
magaalada Gaalkacayo waxaa ay qayb ka yihiin shaqooyinkii rasmiga ahaa
ee wafdiga Dawladdu ay u tageen Gobolka Mudug inay ka fuliyaan.

IMG_8339 IMG_8340 IMG_8343 IMG_8345 IMG_8354 IMG_8357 IMG_8363 IMG_8364 IMG_8366 IMG_8367 IMG_8370 IMG_8371 IMG_8373 IMG_8375 IMG_8387 IMG_8394 IMG_8397 IMG_8399 IMG_8400 IMG_8401 IMG_8402 IMG_8404 IMG_8410 IMG_8412 IMG_8413 IMG_8415 IMG_8417 IMG_8419 IMG_8423 IMG_8429 IMG_8430 IMG_8432 IMG_8435 IMG_8437 IMG_8453 IMG_8455 IMG_8459 IMG_8463 IMG_8467 IMG_8469 IMG_8474 IMG_8476 IMG_8482 IMG_8488 IMG_8489 IMG_8492 IMG_8497 IMG_8498 IMG_8499 IMG_8505 IMG_8506 IMG_8508 IMG_8509


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles