Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dawladda Puntland Oo Booqday Machadka Xanaanada Xoolaha Ee Magaalada Gaalkacayo(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay machadka xanaanada xoolaha ee ku yaalla magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ku tagay machadkaasi ku weheliyay masuuliyiin ka mid ah golayaasha dawladda, waxayna xarunta machadka kula kulmeen ardayda wax ka barata kuwaasi oo sharaxaado kala duwan ka siiyay tacliinta ay ka bartaan machadka xanaanada xoolaha ee Magaalada Galkacayo.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi, wuxuu sidoo kale ardayda wax ka barata machada xanaanada xoolaha kula dardaarmay inay waxbarashada sii wataan ilaa ay ka dhamaystiraan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabd-weli ayaa ardayda wax ka barata machadka ku booriyey in barashada xanaanaynt xooluhu ay tahay mid muhiimad weyn u leh dalka, maadaama aynu nahay bulsho ku tiirsan xoolaha nool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdi-weli Seed oo kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in machadkaani uu qiime weyn ugu fadhiyo wasaaraddiisa, isla markaana ay si gaar ah ula socon doonaan ardayda wax ka barata machadka xanaanada xoolaha ee Galkacayo.

Cabdi-raxmaan Cabdirsaq Cabdiraxmaan madax Hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas uu soo booqdo machadka, isla markaana uu wax ka ogaado qaabka uu shaqeeyo.

Ardayda wax ka barta machadka Xanaanaa Xoola ee Galkacayo ayaa iyaguna si diiran usoo dhoweeyey Madwxeweyne Gaas, waxayna sheegeen inay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan wax barashada xanaanada xoolaha, isla marlaana aysan dayici doonin fursada ay haystaan, iyagoo sharaxaado kala duwan Madaxweynaha ka siiyay qaabka ay wax u bartaan.

IMG_7946 IMG_7948 IMG_7949 IMG_7952 IMG_7953 IMG_7954 IMG_7955 IMG_7957 IMG_7958 IMG_7963 IMG_7964 IMG_7965 IMG_7966 IMG_7967 IMG_7968 IMG_7972 IMG_7974 IMG_7975 IMG_7976 IMG_7980 IMG_7984 IMG_7986 IMG_7989 IMG_7991 IMG_7993 IMG_7994 IMG_7995 IMG_8001 IMG_8003 IMG_8005 IMG_8012 IMG_8013 IMG_8016 IMG_8018 IMG_8021 IMG_8026 IMG_8031 IMG_8033 IMG_8034 IMG_8042 IMG_8046 IMG_8048 IMG_8051 IMG_8052 IMG_8053 IMG_7943 IMG_7945


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles