Mudaaharaad ay Dowladu soo qaban qaabisey,looga soo horjeedo dilkii loo gaystay saraakiishii ka tirsanayd QM ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Iyada oo dhowaan groonka diyaaradha ee magalada Galkacayo uu nin dhimirka ka xanuusanaya dil ugu gaystay laba nin oo ajnabi ahaa kana tirsanaa hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dadweynaha Gobolka Mudug gaar ahaana magalada Gaalkacayo waxay si cad u muujiyeen inaysan raalli ka ahayn falkaasi, isla markaana ay Dawladda ku taageerayaan in baaritano dheeraad ah lagu sameeyo qaabkii wax u dheceen.
Mudaharaadka oo ka dhacay bartamaha magaalada Galkacayo waxaa ka qayb galay masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo , wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Waxayna dhamaantood si isku mid ah u muujiyeen inaysan raalli ka ahayn dilkii loo gaystay labadii sarkal ee ajnabiga ahaa ee u shaqaynayay hay’adha Qaramada Midoobay.
Dadweynaha magaalada Gaalkacayo iyo masuuliyiintii mudharadka kala qayb galay ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta sare ee Dawladda Puntland ay ku tageerayaan baaritaanada kala duwan ee socda, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo qaabkii dilkaasi u dhacay, waxaana maalmaha soo socda lasoo bandhigi doonaa natiijada kasoo baxda baaritaanada socda ee lagu baadi goobayo sababtii keentay in ladilo labadaasi nin.