Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ayaan Hersi Ali oo lagala noqday Shahaado Sharafeed la siin lahaa.

$
0
0

ayaan1Ayan Hersi Ali oo haysata dhalashadda dalka Holland, mar horena sheegtay in Diinta Islaamka ka baxday ayaa lagu wargeliyey in laga talo baxay qorshe ay Jaamacadda Brandeis University ku doonaysay inay ku siiyaan Shahaado Mutadawacnimo oo heerka Digiriigga ah (voluntary Degree).

Hadal ka soo baxay Jaamacadda ayaa lagu sheegay inaysan Ayaan Hersi Ali heli doonin Shahaado Sharaf taas oo lagu waday in la guddoonsiiyo bisha soo socoto ee May 18-da.

Haweeneydaasi waxay horey xubin uga ahayd Barlamaanka dalka Holland muddadii u dhexeysay 2003-dii ilaa 2006-dii, ayaa waxay ku caan baxday inay goobaha fagaaraha kaga dhawaaqdo hadallo xad-gudub ku ah Diinteenna Islaamka.

Waraysi ay sannadkii 2007-dii siisay Majaladda Reason Magazine ayey ku sheegtay in markii ay Diinta Islaamka haysatay la garaaci jirey, waxayna dhinaca kale sheegtay inay iyada iyo Kirishtaanka kale dagaal kula jiraan Islaamka.

Ayaan Hersi Ali oo ka soo jeeda Qoys Muslim ah ayaa sheegtay markii ay Qaxootinimo isaga dhiibtay dalka Holland inay Waalidkeeda garaaci jirey, ku sameeyeen gudniinka Fircoomiga (FGM) iyo inayn waalidkeeda u qabanqaabiyeen guur khasab ahaa, waa sida laga soo xigtay.

Ayaan oo da’da 30-aadka ku noqotay Kirishtaan ayaa isbuucan ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal ay Wakaalladda Wararka Maraykanka ee AP hordhigeen.

In ka badan 85% oo ah ku-dhawaad 350 qof oo ka mid ah xubnaha ka tirsan Jaamacadda Brandeis ayaa saxiixay Warqad ay ku codsanayeen in Ayaan Hersi Ali laga saaro Liiska dadka sida mutadawacnimadda loo siinayo Shahaadada Heerka Degree-ga.

Ururka Ardayda Muslimiinta ee Maraykanka ayaa ka biyo-diiday inay Jamaacadda Brandeis University shahaado guddoonsiiyaan Haweeneydaasi.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka oo ah Kooxda ugu weyn Maraykanka ee u dooda Muslimiinta ayaa sheegtay inay qoraal u direen Guddoomiyaha Brandeis University, Professor Frederick Lawrence, kana codsadeen in laga laabto qorshaha Shahaadada lagu siinayo Ayaan Ali Hersi.

Afhayeenka Golahaasi, Ibrahim Hooper ayaa sheegay inay tahay arrin xun inay Jaamacad muhiim ah abaalmarin siiyaan Shaqsi si bareer u soo bandhiga Aragtiyo nacayb badan xambaarsan.

Guddoomiyaha Machadka Daraasaadka Islaamka ee Bariga dhexe, Joseph Lumbard ayaa isagana Wareysi ku sheegay inay Ardayda Muslimiinta dareemayaan inaysan soo dhaweyn Karin qorshahaa Shahaadada lagu siin lahaa Ayaan Hersi Ali.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles