Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Dekedaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey dilkii Magaalada Gaalkacyo Loo Gaystay Labadii Sarkaal ee UN-ka Tirsanaa.

$
0
0

Wasiirka Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Mudane.C/laahi Jaamac Saalax oo Maanta la hadlay Telefishinka Dowlada Puntland ayaa maanta ka Tacsiyeeyey arintii naxdinta lahayd ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo,taas oo ahayd dilkii Loo Geystay Labadii Sarkaal ee u shaqaynaayay Hay”adda UNODC.

Wasiirka ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay Dhacdo Loo Wada Geystay Dowlada iyo Shacabka Reer  Puntland,ayna aad uga xun yihiin,isla markaasina ay ka Tacsiyeynayaan Arintaasi.

Halkan Ka Daawo Wasiirka oo Amuurtaasi ka hadlay.

Wasiirka oo Arintaasi ka Hadlaya Ayaa Yiri”Dhacdadaasi Waxay ahayd Dhacdo Loo Wada Geystay Dowlad iyo Shacabka Puntlandi bey ahayd Wax aad looga xumaadona bay ahayd”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Anaga Ka Wasaarad ahaan Wada shaqayn Gaar ah baa naga dhaxaysay,isagoona sheegay in xiligan Dekeda Magaalada Bosaaso ay ka dhisi lahaayeen Dhisme weyn oo dekeda laga dhex dhisi lahaa.

isku soo wada duuboo dilka Labada Sarkaal ayaa waxa si aad ah looga dareemay dhamaan Gobolada Puntland,iyadoona si wada jir ah loo Cambaareeyey cidii dilkaasi ka danbaysay.

Halkan Ka Daawo Wasiirka oo Amuurtaasi ka Hadlaya.

10155232_390788534397027_2846817094091007023_n

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles