Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dilkii Labada Sarkaal ee Shalay Magaalada Gaalkacyo lagu dilay oo Puntland Saameyn ku Yeelatay.

$
0
0

Kadib markii maalintii shaley  garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo gudihiisa  lagu diley labo sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha QM ayaa wararku sheegayaan in dhamaan shaqalahii ku sugnaa degaanada kale ee Puntland lagu amrey ineysan ka bixin dhismayaashooda.

Shaqaalaha hay’adaha QM iyo kuwa beesha caalamka ayaa howl maalmeedkooda joogtada ah uga baxa dibada goobaha ay dagan yihiin kuwaasoo hay’adaha dowlaga ah ee Puntland iyo kuwa aan aheyn kala shaqeeya mashaariicda ay uga deeqaan shacabka Somalida.

Magaalada Garowe oo maanta lagu qabtey shirweyne ay soo qaban qaabisay wasaarada bay’adda iyo duurjoogta halkaasoo uu ku sugnaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa ka baaqsadey dhamaan shaqaalahii hay’adaha caalmiga ah kuwaasoo lagu martiqaadey kulankaas.

Dhinaca kale weli waxaa magaalada Galkacayo ka socda baaritaano lagu sameynayo dhacdadii foosha xumeyd ee maalintii shaley si bareer ah askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha ugu toogtey labo sarkaal oo ka tirsanaa hay’ada QM.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qayb galey munaasabad lagu dhoofinayey maydka labadaan sarkaal kuwaasoo saaka laga qaadey garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo halkasoo dhinaca kale ay ku sugnaayeen madax sare oo ka tirsan QM.

Shaqaalaha hay’daha QM iyo kuwa beesha caalamka aya ahaa kuwa ka nabad galey falal noocaan oo kale shantii sano ee la soo dhaafey Puntland taasoo keentey in beesha caalamka kalsooni rasmi ah ku qabto hay’adaha amniga ee Puntland.

Dhanka kale waxa Maanta Magaalada Gaalkacyo laga dhoofiyey Meydka Labadii Sarkaal ee shalay Gudaha Garoonka diyaaradaha lagu dilay.

141

73 122 161


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369