Kacdoondii Qardho u gaarka ahaa ee lagu diidanaa Barnaamijkii Dimoqraadiyadda iyo in bulshada Puntland wax waada yeelato ayaa laga miro dhaliyey oo lagu helay Mashaariic badan.
Barnaamijka Dimuqraadiyada Asxaabta Badan ayaa Waxa olole xoogan ugu jirtey sidii uu deegaanada Puntland uga hirgeli lahaa Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole),iyadoona ay Siyaasiyiinta,Shacabka iyo Waxgaradka Deegaanka Degmada Qardho ay hor istaag ku Sameeyaan Barnaamijkii Dimuqraadiyada oo ahaa Barnaamij qof walba oo Muwaadin Reer Puntland ah uu si xor ah Codkiisa u dhiiban Lahaa,iyadoona Barnaamijkaasi hadii uu hirgeli lahaa Dhamaan Deegaanada Puntland ay Barwaaqo iyo Horumar wada Gaari Lahaayeen.
Magaalada Qardho Waa Magaalo Madaxda Karkaar Waxaana Hoos Yimaada Deegaano badan oo dhamaantood aanu ka jirin Wax Horumar ah oo la tabaan karo,iyadoona Canshuuraha Dowlada ee ilaha dhaqaalaha laga soo aruuriyo Khasnado Gaar ah oo ay Leeyihiin Madaxda Gobolka Karkaar ay ku dhacdo,iyadoona deegaanada sida Degmada Waaciye oo Dhaqaalaha Gobolka Meesha ugu badan oo uu kasoo xeroodo aan Wax laga Gaarsiin ama Wax loogu qaban.
Intaas oo keliya kuma eka Dhaqaalaha Gobolka ee Waxa iyana jirta Dhaqaale Malaayiin Doolar Gaaraya oo Hay”addaha Caalamku ay Gobolka ugu deeqaan si loo wada Gaarsiiyo Deegaanada Gobolka,balse dhaqaalahaasi maahan mid Gaara deegaanada uu Caalamku ugu Deeqay ee Waa mid ku Eg in jidadka ,Jeelasha iyo Ceelasha Qardhood lagu dhiso.