War Deg deg ah oo Goordhowayd soo Gaarey Xafiiska Warbaahinta Raadreeb.com ee deegaanada Puntland ayaa sheegaya in goordhowayd Garoon diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo lagu dilay Labo Nin oo ka tirsanaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgalla Deegaanada Puntland.
sida ay Wararku Sheegayaan Labadan nin ee shaqaalaha ah ayaa waxa rasaas ku furay Mid ka Mid ah Ciidamada Amniga ee ka howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo,iyadoona lagu Guuleystay in gacanta lagu dhigo Askarigii dilka geystay.
Labadan nin ee shaqaalaha ayaa Mid geeriyooday ,halka midkii kalena uu dhaawac Culus soo Gaarey,Lamana yaqaan Ujeedka ka danbeeya dilka Labadan ee Shaqaalaha ahaa.
Labadan nin ayaa Midka Geeriyooday waxa uu ahaa Muwaadin British Ah ,halka kan dhaawaca ahna uu kasoo jeeday dalka Ethopia balse uu haysto dhalasho British Ah.
Dhanka Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa xiliga dilku dhacayay Magaalada Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey,Lamana yaqaan Saameynta ay Booqashada Madaxweynaha ee Gobolka ay ku yeelan karto Amni Xumada Ugub.