Gollaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda ay dowladu ay ku shaqaynayso inta ka harsan sanadkan 2014.
Fadhiga maanta ee lagu ansixiyay miisaaniyada waxaa joogay in ka badan afartan mudane kuwaasoo ugu danbayntii marka ay dhagaysteen war bixinta guddha dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Gollaha wakiiladda ansixiyay miisaaniyadda.
Guddiga Dhaqaalaha ee baarlamaanka ayaa qoraan ay fadhiga kusoo bandhigeen sidan u dhigay.
”Miisaaniyadda Gollaha la korkeenay ee 9-ka bilood waxay dhan tahay $ 30,678,192 Dollar halka ay saddexdii bilood ee sanadka u horeysay ay ka ahayd $9,819,336 Dollar,taas oo sanadkan oo dhan ka dhigaysa Miisaaniyadda oo dhan $ 40,497,528”.
Afhayeenka gollaha wakiilada Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ugu danbayntii sheegay fadhiga aan caadiga ahayn ee gollaha in lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladdu ay sagaalka bilood ee harsan ku shaqaynayso.