Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidamada La dagaalanka burcad badeed PMPF (Puntland Marine Police Force) Maxamed Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Isagoo jagadaas u magcaabay Cabdinaasir Biixi Soofe .
Taariikhda PMPF.
Ciidamada La dagaalka Burcad badeeda waxaa la asaasay dhamaadkii sanadkii 2010 iyadoo looga gol lahaa inay kula dagaalamaan gudaha bada iyo beriga kooxihii ku hawlanaa afduubka gaadiidka isaga kala gooshayey marin biyoodka caalamiga ah ee soohdinta la leh xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynihii Puntland ee wakhtigaas Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) oo oo horay u balanqaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka burcad badeeda ayaa lahaa hindisiihii lagu asaasay PMPF isagoo dadaal dheer u galay sidii uu beesha caalamka uga heli lahaa gacan .
Ugu danbayntii Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa aqbashay inay bixiso kharashaka ku baxaya asaaska Ciidamada Bada Puntland iyadoo ilaa wakhtigan siisa dhaqaalaha, agabka iyo tabararada .
Tiro ahaan waa Ciidanka Labaad ee Puntland halka ay yihiin Ciidamada ugu agabka iyo dhaqaalaha fiican marka laga yimaado Ciidamada PSF (Puntland Security Force) oo iyago taageero ka hela Dowlada Maraykanka .
Waa kuma Maxamed Cabdiraxmaan .
Maxamed Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole)
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole waxaa dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland wuxuuna mudo dheer ku hawlanaa Arrimaha Bulshada iyo Siyaasada isagoo ilaa sanadkii 2000 si joogta ah uga hawl gelayey Gudaha Dalka kadib markii uu ka soo laabtay Dalka Australia .
Magaalada Garoowe ayuu ka asaasay Sanadkii 2004 idaacad FM ah (Radi Garowe) halka uu hawada soo geliyey isla sanadkaas mareeg –ta Garowe Online oo ilaa hada ah mid hawada ku jirta.
Kadib markii loo doortay Aabihii Madaxweynaha Puntland wuxuu noqday La taliyaha Madaxweynaha dhanka warbaahinta.
Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ku hawlanaa siyaasadii Madaxweyne Faroole ee ku aadanayd la dagaalanka burcad badeed ilaa markii danbe loo magacaabay Agaasimaha Ciidamada Bada ee PMPF .
Mudadii uu xilka hayey wuxuu muujiyey dadaal badan isagoo ku guulaystay dhismaha Ciidamo tayo leh.
Waa kuma Soofe .
Madaxa cusub ee Ciidamada PMPF Cabdinaasir Biixi Soofe waa shakhsi ku cusub saaxada maamulka horyna wax xil ah ugama soo qaban Puntland wakhtigiisa inta badana wuxuu ku soo qaatay qurbaha.
Madaxweyne Cabdiwali Gaas waxa uu ka badalay magaca AGAASIME waxa uu u badalay XIRIIRIYE
Waxay ilama adeer yihiin Madaxweynaha magacaabay taas oo meesha ka saaraysa balanqaadkii hore ee Dr Gaas ee ahaa Cadaalad, Cadaalad , Cadaalad.
Isku Soo Wada Duuboo Madaxweynaha Puntland ayaa Qorshaynaya in uu Xilalka ka qaado Dhamaan Masuuliyiintii ka tirsanaa Xukuumadii Dr.Faroole ee xiligii Gaas Ololaha ku jirey Caqabada ku noqday,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Mudane.Qarjab oo Asbuucii Hore uu Xilka ka qaaday.
Sidoo Waxa iyana Seeftu qaaday Taliyihii Qeybta ee Gobolka Bari Coll.Afdalow oo isagu xiligii Gaas Doorashada ku jirey 24-Saac Guduhood Magaalada Bosaaso kaga saaray Gaas iyo Koox la socotay Xiligaas.
Waxa isna Laga yaabaa Maalmahan soo Socda inay Seeftu qaado Gudoomiyaha Gobolka Bari.Cabdisamad Galan oo isagu Madaxweyne Gaas Laf dhuun Gashay ku noqday Xiligii uu Ololaha Doorashada ka waday Gobolka Bari.
Raadreeb+Raxanreeb.com.