Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib labo cisho oo uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaasoo uu u joogay wada hadalo uu la lahaa dhinacyada isku hayay.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay dhinacyada Maamulada iska soo horjeeda ee Lixda Gobol iyo Saddexda Gobol, waxaana uu kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka, loona mideyn lahaa fikiradahooda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ku haray magaalada Baydhabo, si uu sii wado wada hadalada xalka looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee ka jira magaalada, waxaana uu wada hadalo la qaadan doonaan labada dhinac ee Baydhabo ku sugan.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha gudiyada uu la kulmay ay ka aqbaleen talooyin uu u soo jeediyay oo ahaa in magaalada Baydhabo ku soo laaban doono, kadibna la gaari doono xal, isagoo u sheegay in safar deg deg ah inuu soo galay.
Dadweynaha reer Baydhabo ayaa saakay la arkayay iyagoo sitay sawirada Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ka muuqatay dareen aad uga duwan kuwii maalmihii la soo dhaafay ee xaaladaha kacsanaanta ahaa, maadaama ay dhigayeen dibad baxyo rabshado wata oo keenay in dhaq dhaqaaqa magaalada uu hakad ku yimaado.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in maanta uu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, inkastoo aanay Madaxtooyada faah faahin ka bixin ujeedada safarkiisa, iyadoo sanadkii hore halkaas uu ka dhacay shir ballaaran oo Midowga Yurub dhaqaale fara badan ugu deeqay Soomaaliya.
Safarada Madaxweynaha ee uu dibadaha ku aado ayaa sii kordhayay, iyadoo dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku eedeeyaan in safaradiisa dibada uu ku tagay labadii sano ee uu xilka hayay ay ka badan yihiin safaradii Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo lagu dhaliili jiray safarada dibada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii hore waxaa uu safaro dhowr ah ku tagay dhowr dal oo ay ku jiraan Turkiga, Kuwait, Japan iyo dalalka deriska oo aan xisaab ku jirin.