Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Wada Hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmay Magalada Istanbul.

$
0
0

Wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliland oo ku saabsan maareynta hawada Dalka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayadoo ay wada hadaladani daba socdaan qodobo hore la isugu af gartay oo quseeyay sidii loo gaari lahaa heshiis laba geesood ah.

Wada hadaladani oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa kala horkacaya Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud Ali Xaashi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel oo ka warbixiyay wadahaladani ayaa sheegay in inta badan arrimaha laga wada hadlayo ay ku salaysan yihiin arrimo farsamo oo la xiriira sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa Dalka Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada Soomaliya.

Wada hadaladani la xiriira maareeynta hawada Dalka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah ayadoo la filayo in guddi labada dhinac ah ay si toos ah ula wareegaan maareeynta hawada.

images

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles