Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas Oo Maanta Furay Kal-Fadhiga Baarlamaanka Puntland(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamanka ee aan caadiga ahayn kaasi oo dib u eegis loogu samaynayo miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, kaasi oo ay Baarlamaanka usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kal-fafadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 48-mudane, waxayna maalmaha soo socda ka doodi doonaan miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, iyadoo laga sugayo inay ansixiyaan.

Madaxweyne Cabdi-weli ayaa ugu horrayn baarlamaanka uga xog waramay safarkiisii uu kusoo maray Gobolada Bari iyo Kar-Kaar isagoo u sheegay in safarkaasi uu qayb ka ahaa balanqaadyadii Dawladu samaysay ee ku salaysnaa in shacabka loogu tago meel kasta oo ay ay joogaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay tagaan deegaanada laga soo doorto, si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka Puntland ee ay wakiilka ka yihiin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa Baarlamaanka u sheegay in Puntland iyo shacabkeeduba ay yihiin dhul iyo dad nabad ah loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga baarlamaanka ee dib u eegista loogu samaynayo miisaaniyadda dowladda ee 2014.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo kulanka joogay ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqaynayso, taasi oo ay isku soo duba ridday Wasaaradda Maliyaddu.

Wasiirku waxa uu ka codsaday Baarlamaanka inay ka doodaan miisaaniyadda, isla markaana ay ansixiyaan si loo dar dar galiyo shaqooyinka kala duwan ee Dowladda u yaalla.

2131-450x342 IMG_4655 IMG_4657 IMG_4663 IMG_4671 IMG_4672 IMG_4680 IMG_4681 IMG_4706 IMG_4711 IMG_4718 IMG_4719 IMG_4723 IMG_4731 IMG_4733 IMG_4735 IMG_4743 IMG_4747 IMG_4753 IMG_4756 IMG_4758 IMG_4761 IMG_4783 IMG_4686 IMG_4692 IMG_4695 IMG_4737 IMG_4740 IMG_4742


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles