Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay in wada hadal la furo dowladda Federaalka Soomaaliya, si mad madowga jira loo soo afjaro.
Dr. C/wali Gaas ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu muujiyay aragti ka duwan maamulkii isaga ka horeeyay ee uu hogaaminayay C/raxmaan Faroole oo xiriirka u jaray dowladda Federaalka.
“Diyaar ayaa u nahay inaan wad hadal la furno dowladda Federaalka, Puntland waa ka tirsan tahay Federaalka, sidaas darteed in la wada hadlo wixii mad madow ee jira laga gudbo”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.
Is bedelka dhinaca hogaanka ee ka dhacay Puntland horaantii bishii Janaayo ayay dad badan saadaaliyeen in wax badan iska bedeli doono xiriirka u u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa horay ugu eedeeyay dowladda Soomaaliya inay wax badan ka bedeshay dastuurkii KMG, isagoo xiriirka u jaray, waxaana taas ay keentay in wada shaqeyntii Dowladda Federaalka iyo Puntland uu meesha ka baxo.
Nidaamka federaalka ayaa saldhig u ah inuu hirgalo dowlad goboleedyo, waxaana arrintan ka jira is qab qabsi badan oo la xiriira habka maamulada loo dhisayo oo ay ka jiraan caqabado xoogan iyo is maandhaaf siyaasadeed.
Dastuurka u degsan dowladda ayaa dhigaya wax ka badan labo gobol inay dhisan karaan maamul goboleed, hase ahaatee gobolo qaar ayaa qoorta isugu jira, oo maamulo kala jeeda oo midba gobol uu ku darsanayo lagu dhawaaqay.