Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xildhibaan Indho ” C/weli Gaas Haduu Somaliland kusoo Xad gudbo Maxbuus ahaan ayaan usoo qabanaynaa”

$
0
0

ghyyuMid kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka somaliland ayaa weraar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli maxamed Cali Gaas ,isagoo sido kale Xildhibaanka ka hadlay Safarkii silaanyo ee Laasqorey.

Xildhibaan C/qaadir Indho oo kamid ah Xildhibaanada somaliland ayaa shegay Mar uu shir Jaraa”id ku qabtay Hargeysa in uu soo dhaweynayo socdaalkii  uu ku Tagey Degmada Laasqorey ee Gobalka sanaag ,isagoo ku shegay in uu booqday Dhulkiisi.

Xildhibaanka ayaa yiri “‘ Madaxweynaha Horta dhulkiisi ayuu Tagey Somaliland Garowe ayeey ilaalisa hadii C/weli isku Dayo degaan ay somaliland leedahay in uu soo fara galiyo ciidanka qaranka 40 KM ayeey u jiraan ,isagoo Maxbuus ah ayaan kaso qabanaynaa ayuu yiri xildhibaan indho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Warsangali iyo Dhulbahante ay ka tirsanyihiin somaliland ,waxaa uu sheegay in hadii lasoo faragaliyo dhulka somaliland Maxbuus ahaan losoo qabanayo Madaxda Puntland,isagoo xildhibaanka ku faanay in ciidamada somaliland ay Wax yar u jiraan magaalada Garowe.

Hadalka Xildhibaan C/qaadir indho ayaa kusoo beegmaya xili ay isasoo tarayso siyaasinta siyaabaha kala duwan uga hadlaya socdaalkii Madaxweynaha somaliland uu ku Tagay laasqorey ,waxana Puntland ay ku shegtay socdalkaas mid Arga gax ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles