Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dr.Cusmaan Cabdi Passenger Waa Dhakhtar Soomaaliyeed oo Abaal Gud Mudan.

$
0
0

Dr.Cabdi Cusmaan Cabdi (Passenger) Wuxuu ka Mid ahaa Dhakhaatiir Dowlada Soomaaliya ay u dhacday xiligii ay Waxbarashada ku jireen,isagoona ka mid noqday Dhakhaatiirtii Qurbaha usoo Cararay Dagaaladii Sokeeye ka dib.

Dr.Passenger Waxa uu soo galay Dalka Talyaaniga Waxa uuna  ka helay Fursad Waxbarasho ,taas oo u Saamaxday in uu Aqoontiisa dhakhtarnimo sii dhamaysto.

Dadaal iyo Juhdi Dheer ka dib Diktoorku Waxa uu nasiib ku yeeshay in uu dhamaystirto Jaamacadiisa Dhakhtarnimo ee uu dalka Talyaaniga ka dhigtay.

ka dib markii uu Diktoorku dhamaystay Jaamacadii Dhakhtarnimo Diktoorku Waxa uu Shaqo ka Bilaabay isla Dalka Talyaaniga Gaar Ahaan Magaalada Torino,isagoona Madax u noqday Cisbitaal weyn oo qeybo kala duwan Leh oo Halkaasi ku yaalay.

Diktoorku Waxa uu Mushahar Ahaan u Aqaadanayay Lacago Kunanaan kun oo  Doolar Gaaraya.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu Diktoorku Sida uu noo sheegay waxa uu Go”aansaday in Lacagtan Kumanaanka Gaareysa ,ay uga fiican tahay Boqol ama Labo oo Doolar oo uu dalkiisii Hooyo ku qaato,ugana Faaiidayyo Aqoontiisa Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee Xaalada Caafimaad ay ku haysato dalkiisii Hooyo.

Diktoorku Waxa uu dib ugu laabtay Soomaaliya Gaar Ahaan Bosaaso Puntland oo uu Diktoorku Asal Ahaan Kasoo Jeedo,isagoona Xarun Caafimaad oo uu ka doorbiday Shaqadiisa Talyaaniga uu Halkaasi ka furtay ,si uu ugu Daweeyo Dhibanayaasha Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Diktoorku Waxa uu Xarumo Caafimaad ka furtay Jeelasha Magaalada Bosaaso,Xarumahaas oo lagu Daweeyo dadka Maxaabiista ah ,iyadoona uu Qaab Lacag La,aan ah uu ku Daweeyo.

Hadaba Su”aasha is weydiinta Mudan ayaa Waxa ay tahay Maxaa Loo Waayay Dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee dalka iyo dibada Wax ku bartay,Maxay dadkooda Xaaladaha Caafimaad la daalaadhacaya ee lacagaha  Boqolaalka Doolaar  Gaaraya looga furanayo dalka dibadiisa ay ugu Miciini Waayeen?

Su”aashaas Jawaabteeda Waa Mid Laga Sugayo Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee Dalka Dibadiisa ku Nool.

Sawirkaan Hoose ka Muuqda Waa Diktoor Cusmaan Cabdi Passenger oo Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas)Warbixin ka Siinaya Xaruntan Caafimaad oo ka Mid ah Xarumaha uu Diktoorku dadka ku Daaweeyo  ee ku dhexyaal Xabsiyada Magaalada Bosaaso.

1969384_4006111248139_1584071832_n

WWW.Raadreeb.com-Boosaaso-Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles