Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kadib dagaalo ka dhacay duleedka degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa afar cisho ku qaadatay la wareegida Ceelbuur, iyagoo intii ay ku soo jireen wadada u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb la kulmay dagaalo xoogan.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ay ku leeyihiin AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

“Ciidamada Soomaalida oo taageeraya AMISOM waxay qabsadeen magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ciidamada waxay ka dhaqaaqeen Xarunta dhuusa Mareeb saddex cisho ka hor, iyagoo qabsaday dhowr tuulooyin”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook.

AMISOM ayaa sheegtay in dhowr weerar gaadmo ah ay Al-Shabaab ku qaadayeen ciidamada, intii ay ku soo wajahnaayeen Ceelbuur, ayna qabsanayeen tuulooyinka u dhow dhowaa.

Idaacada afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada is garabsanaya ay qabsadeen maanta duhurkii degmada Ceelbuur, kadib markii ay isaga baxeen Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii ku noolaa degmada ay isaga barakaceen, waxaana jiray duqeyn xoogan oo loo geystay degmada ka hor inta aan gudaha u gelin ciidamada huwanta.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa fariisin ka sameystay duleedka degmada Ceelbuur, waxaana maqan isgaarsiinta degmada.

Ceelbuur ayaa ka mid aheyd degmooyinka muhiimka ahaa, waa markii labaad oo Al-Shabaab laga qabsado, horaantii sanadkii 2012 ayaa laga saaray, balse ciidamada Itoobiya oo waagaas aan ka mid aheyd howl galka AMISOM waa ay isaga baxeen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ciidamada-iyo-AMISOM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369