Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

War Deg Deg Ah:Taliyihii Ciidanka Difaaca Puntland Ee Aaga Galgala oo Qarax Lagu Dilay.

$
0
0

war-deg-deg-ah1War Deg Deg ah oo hada naga soo Gaarey Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidanka Difaaca Puntland ee Aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) in  Qarax Miino Lagu Diley.

Taliyaha iyo Qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa Qaraxa lagula Eegtay Meel u dhow Tuulada Laag oo Qiyaastii  30-KM dhanka Koonfureed  Magaalada Bosaaso kaga Beegan.

Qaraxa ayaa Waxa ku Geeriyooday Alla How Naxariistee Taliye Col.Jaamac Siciid Warsame,iyadoona ay ku Dhaawacmeen Sadex Ka Mid ah Ilaaladiisa.

Ilaa Hada Kama aysan Hadlin Madaxda Sare ee Puntland,iyadoona aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxaan ,balse  Waxa loo Malaynayo in  Kooxda Al-Shabaab ee ka Dagaalanta Buuralayda Galgala ay Qaraxan ka danbeeyeen.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles