Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Dr.Gaas ayaa safar maalmo qaatay waxa uu ku tagay wadanka Jabuuti inkastoo uu kusoo hoyday magalada Addis ababa hadana madaxda Jabuuti waxay ka wada hadleen arrimaha Puntland iyo sidii loosii xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
Cabdiwali Cali Gaas ayaa marka uu kasoo dagay gadiga diyaaradaha sallaan sharaf ka qaatay qaar ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Puntland sidoo kale soo dhawayntiisa waxaa ka qayb galay ku xigeenkiisa,Afhayeenka baarlamaanka iyo saraakiisha Ammaanka.
Arrimaha uu ka hadlay Gaas waxa ka mid ah garab istaaga Puntland ee Jabuuti iyo xoojinta nabadgalyada Gobaladda warbaahinta ayaa wax ka waydiisay waxyaabaha kasoo socdaalkiisa.
”Waxan kasoo faa’iidnay Jabuuti,waxaa ka socda hormar aad u wayn oo baaxad leh,waxay diyaar u yihiin hormarkaasi ka socda inaan ka qayb galno oo aan ka faa’iidaysano,ha noqdaan shirkaddo caalamiya oo raba inay dalka maalgaliyaan waxan sidoo kale lasoo kulanay ganacsato reer Jabuuti ah oo diyaar la ah maalgashi”.Dr.Gaas ayaa yiri.
Sidoo kale madaxwaynaha Puntland ayaa tilmaamay inay isaga filan yihiin sidii la isaga difaaci lahaa kooxda Alshabab oo dagaalo kala duwan uga furmay koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Wuxuna sheegay shacabka Puntland inay awood u leeyihiin iska difaacida weerarada iyo qaraxyadda kooxdaasi oo xiriir dhow la leh Alqaacida.
Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dagaalo culus oo Alshabab lagu cirib tirayo uu ka socda qaybo ka mid ah gobaladda Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |