Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowlada Maraykanka oo Abaal Marin dul dhigtay Madaxyada Sadex nin oo Ka Tirsan Al-Shabaab.

$
0
0

CC0094FE-A646-4F56-9811-35CC570D8A6C_w268_r1_cx0_cy0_cw82Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa abaal marin gaadhaysa 3 milyan oo doolaar ugu yaboohday ciddii keenta macluumaad horseedda in la soo qabto maxkamadna la hor keeno 3 nin oo ka tirsan al Shabab.

Wasaaradda ayaa lacagtan dul dhigtay sadexda nin oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Jacfar, iyo Yaasiin Kilwe.

Cabdiqaadir oo loo yaqaano Cikrima ayaa sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku sheegtay waxaa uu dhashay sanadkii 1979kii, waxaana uu ku dhashay dalka Kenya, waxaana uu laayay saddex farood oo gacantiisa bidixda ah, Wasaaradda ayaa ku eedaynysa in uu soo qoro dhalinyarada Kenya ee ku biiraysa al Shabaab.

Ninka kale oo lagu magacaabo Jacfar oo sidoo kalena loo yaqaano Cammaar, ayaa ah ku xigeenka Cikrima, waxaana muuqaalkiisa lagu tilmaamay in uu laayahay mid ka mid ah indhihiisa.

Qofka sadexaad oo lagu magacaabo Yaasiin Kilwe ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay tilmaantay inuu yahay amiirka ururka al Shbaab ee Puntland, waxaana xilkaasi u magacaabay hogaamiyaha sare ee al Shabaab Axmed Cabdi Godane.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles