Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dowlada Malaysia oo si kulul uga hadashay Sawirada ku saabsan Diyaaradii Malaysia Airlines ee ay Dowlada Shiinu Baahisey.

$
0
0

Dowlada Malaysia ayaa si kulul uga hadashay Sawiro ay baahisay Dowlada Shiinaha kuwaa oo la sheegay in uu qaaday Dayax Gameed , sawiradan ayaana ahaa walxo lagu arkay Badda Shiinaha oo u ekaa bur burka Diyaarada wali la la’yahay.

Dowlada Malaysia ayaa Shiinaha ku eedeesay in ay si qalad u baahiyeen Sawiro la sheegay in uu yahay Bur burka Diyaarada Wali raadkeeda aan laheyn , Sawiradada Dowlada Shiinaha baahisay ayaa abuuray xaalado kale oo kusoo kordhay Diyaarada Maqan

Shiinaha waxaa uu soo bandhigay sawirro uu qaaday dayax gacmeed, kuwaasi oo badda dul sabaynaya isla markaana muujinaya wax u muuqda in ay yihiin burburka diyaarad laga lahaa dalka Malaysia oo la la’yahay tan iyo sabtigii la soo dhaafay.

Sawirrada oo lagu shaaciyay bar intarneedka ay ku leedahay dowladda Shiinaha, ayaa muujinaya saddex shey oo waaweyn oo dul sabbeynaya badda koonfureed ee Dalka Shiinaha.

Marar sii horeesay waxaa sidan oo kale loo soo bandhigay waxyaabo u ekaa Muuqaalka Bur burka Diyaarada Malaysia Airlines taa oo baaritaano kadib been noqotay., walina lama hayo raadka Diyaarada oo maqan mudo isbuuc ah.

dayaxx_4 dayaxx_3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369