Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dowlada Shiinaha oo Soo Bandhigtay Sawiro u eg Burburka Diyaaradii Malaysia Airlines(Sawiro).

$
0
0

Dowlada Shiinaha ayaa soo bandhigtay Sawiro uu qaaday Dayax Gacmeed dalkaasi laga leeyahay, kaa oo soo bandhigay Sawiro u eg Bur burka Diyaarada Malaysia Airlines oo la la’yahay tan iyo Maalintii Jimcihii lasoo dhaafay.

Sawirada uu qaaday Dayax gacmeedka Shiinaha ayaa lagu soo bandhigay bog ay leeyihiin Dowlada Dalkaasi, waxaana lagu muujiyay Sadax Shey oo waa weyn oo u eg Bur burka Diyaarada oo dul sabeenaya Badda Koonfureed ee Dalka Shiinaha.

Wadamada Malaysia iyo Vietnam ayaa durba Khubaro iyo Diyaarado baara u diray halka laga sheegay in lagu arko walxo u eg bur burka Diyaaradii Malaysia Airlines, si ay usoo ogaadaan waxa ay yihiin waxyaabaha la arkay.

Sawiradan lasoo bandhigay ayaa la qaaday Maalintii Axada aheed ,hasa ahaatee waxaa markii ugu horeesay lasoo bandhigay Maalintii shalay oo Arbaco aheed.

Diyaarada Malaysia Airlines ayaa maalintii jimcihii ka duushay Magaalada Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia waxa ayna kusii jeeday Caasimada Shiinaha , Diyaarada wali warkeeda la la’yahay waxaa saarnaa Rakaab gaaraya 239-qof oo u kala dhashay ilaa 14-wadan.

dayaxx_4


 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles