Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay baahida loo qabo ciidamo ka socda Hawlgalka Midawga Africa ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya (AMISOM).
Arrintan ayuu Dr. Gaas kaga dhawaajiyay waraysi uu Maanta Siiyey Wakaaladda wararka ee Reuters.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay caawimaad uga baahanyihiin ciidanka AMISOM si loo nabadeeyo xuduuda Puntland la wadaagto goboladda koonfureed oo colaad wejiyo badan leh ka taagneyd sanadihii ugu dambeeyay.
Isagoo welwel ka muujinaya baxsadka dagaalyahanada xagjiriinta Al Shabaab marka laga soo saaro inta badan koonfurta Soomaaliya ayuu yiri Dr. Gaas; “Way iska cadahay in qayb ka tirsan Al Shabaab ay badbaado u soo raadsan doonaan dhulka ay adagtahay in la gallo ee Puntland ku yaala, gaar ahaan buuraha Galgala”.
Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM isu diyaarinayaan inay weeraro ku qaadan fariisamada tiradda yar ee Al Shabaab ku leeyihiin bartamaha iy koonfurta dalka.
Dowladda Puntland ayaa Al Shabaab horay ugu eedaysay mas’uuliyada weerar ismiidamin ah oo ka dhacay magaaladda dekeda ah ee Boosaaso bishii December 2013 xiligaas oo gobolku isu diyaarinayay doorashooyinki madaxtinimo ee qabsoomay bilawgi sanadkan.
Wixii ka dambeeyay bartimihii 2011, markaas oo ciidamada AMISOM ka soo saareen Al Shabaab magaalada Muqdisho boqolaal dagaalyahan ayaa la aaminsanyahay inay si dhuumaalaysi ah ku galeen buuraleyda Golis.
Maamulki hore ee Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa dagaalo kula galay Al Shabaab aaga Galgala taas oo hoos u dhigtay khatartii argagixisanimo ee iska soo tarayso qaar ka mida magaalooyinka Puntland.