Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Faarax Cabdulaahi Faroole oo ka hadlay Dilkii Walaalkiis.

$
0
0

Kadib markii Alshabaab ay Shaaciyeen in ay dileen Mid ka mid ah Wiilasha uu Adeerka u yahay Madaxweynihii Hore ee Puntland Mudane C/raxmaan faroole ,iyagoona ku tilmaamay in uu jaajuus u ahaa Puntland ayaa waxaa hadalkaasi beeniyay Faarax C/laahi Faroole oo la dhashay Marxuumka la dilay kaasi oo lagu magacaabo Axmed C/Laahi faroole.

Wuxuu sheegay in Axmed C/laahi faroole uu ahaa Nin ganacsade ah Jaajuusna uusan ahayn oo Guryo iyo Dukaamo Ganacsi uu ku lahaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaliya.

Halkan ka Akhriso Warbixinta ku saabsan Dilka Axmed C/laahi Faroole.

“Waxaan qirayaa in Axmed C/Laahi faroole uu ahaa Walalkey, mana uusan ahayn waxay ku tilmaameen kooxaha Nabad diidka ah ee Alshabaab, mana ahan wax laysaga harayo oo Nin walba reer buu ka dhashay waana la dagaalamaynaa iskana celinaynaa Kooxda Dhiigya cabka ah ee Alshabaab.

Marxuumka la dilay ayaa intii mudo ah waxa uu deganaa Magaalooyinka Guriceel iyo Baraawe halkaas oo uu labo  xaasas ku lahaa.

Halkan ka Dhegayso Xukunkii Al-Shabaab ee Axmed Cabdullaahi Faroole.boqashada-madaxweyne-faroole-deganada-puntland-3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles