Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Puntland oo Magaalada Juurile Lagu Soo Dhoweeyey(Sawiro).

$
0
0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Magaalada Juurile Xaflad Soo Dhoweyn ah Loogu Sameeyey.

Xafladan Soo Dhoweynta ah ayaa Waxa soo qaban qaabiyey Masuuliyiinta Magaalada Juurile oo uu Hormuud yahay Mustafe Axmed Ismaaciil(Deeradille),Waxaana Xaflad Axmed Yaasiin lagu soo dhoweynayay kasoo qeybgalay Duqa Degmada Waaciye iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa oo Safar Shaqo ku joogay Magaalada Juurile.

Ugu Horeyn Waxa Xaflada ka Hadlay hadlay Xoghayaha Degmada Waaciye Mustafe Axmed Ismaaciil(Deeradille) oo isagu ugu horeyn u Hambalyeeyey  una Duceeyey Wasiirku xigeenka Maaliyada Puntland Mudane.Axmed Yaasiin Saalax oo Bishii Kowaad ee Sanadkan Xilkan Loo Magaacabay.

Waxa isna Madasha ka hadlay Duqa Degmada Waaciye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo isagu sheegay in ka Maamul Degmo ahaan ay si weyn u Taageersanyihiin Wasiir Axmed Yaasiin,ayna u rajaynayaan in Masuuliyada Loo igmaday uu alle la Garab Gallo.

1948203_3954269632131_1396857138_n

Waxa isna Madasha ka hadlay Caaqil Cali Qodax oo ka mid ah odayaasha Magaalada Juurile isagoona sheegay inay la shaqayn doonaan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland .

Caaqil Cali Qodax ayaa  Wasiirka ku xigeenka ku Guubaabiyey in uu noqdo Masuul Xilka Loo Idmaday Kasoo dhalaala oo si hufan u guta Waajibaadka Shaqo ee Loo Idmaday.

Isku soo Wada duuboo Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Puntland ayaa Maalmahan dame waday Olole Xoogaan oo uu Taageero kaga raadinayo Beesha uu kasoo Jeedo ee Dishiishe,ka dib markii ay  beeshu si weyn uga Biyadiiday Saami qeybsiga Xukuumada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

1005541_3954195190270_2047418179_n 1098317_3954195350274_879640915_n 1625532_3954194350249_1185540017_n (1) 1798859_3954194950264_198716688_n 10014631_3954194750259_819054058_n

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles