Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Ethopia.

$
0
0

imagesMadaxwaynaha mamulka Jubbaland Mudane.Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo Safar Shaqo ku jooga  magalada Addis ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Ethopa Mr.Tedros Adhanom.

Socdaalka Madoobe ee Addis ababa ayaa salka ku haya sidii laga yeeli lahaa heshiiskii mamulka Jubbaland  & Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku gaareen sanadkii hore dalka Itoobiya oo aan wax badan ka dhaqan galin.

Labadan masuul ayaa kulankooda diirrada ku saaray horumarka uu sameeyay heshiiskii Addis ku dhaxmaray dowladda Muqdisho iyo mamulka Jubbaland  inkastoo mamulku uu dowladda ku eedeeyay dhankiisa inuusan waxba ka hirgalin.

Heshiiska ayaa qorayay mudo lix bilood ka dib in mamulka dekadda Kismaayo iyo gagida diyaaraha lagu soo wareejiyo Dowlada federaalka Soomaaliya hase yeeshee arrintaasi waxaa ka hor yimi mamulka Jubbaland oo ku tilmaamay inaan wax badan ka dhaqan galin waxyaabihii horay loogu heshiiyay.

Lama yaqaan waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka ay Madoobe iyo Tedros maanta ku yeesheen magalada Addis inkastoo magalada Kismaayo-na laga qaban qaabinayo wajiga labaad shirwaynihii dib u heshiisiinta Jubbooyinka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles