Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xiisada Ruushka iyo Wadamada Reer galbeed oo cirka isku shareertay.

$
0
0

Xiisadaha u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ayaa cirka isku shareeray, kadib markii Ciidamada Ruushka ay qabsadeen Gobol ka tirsan Ukraine oo lagu magacaabo Crimea, halkaasoo ay ku badan yihiin qowmiyadaha ka soo jeeda Ruushka.

Fadhi uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay arrimaha Ukraine ayaa waxaa dood kulul ay ku dhex martay Safiirada Mareykanka iyo Ruushka.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vitaly Churkin ayaa sheegay in Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Victor Yanukovych uu ka dalbaday in Ruushka ciidan u soo diraan dalkaas.

Waxaa uu soo bandhigay warqada uu soo qoray Madaxweynihii hore ee Ukraine, iyadoo dowladda KMG ah ee Ukraine ay sheegtay in taas aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale Safiirka u fadhiya Ukraine Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ruushka uu ka soo tallaabiyay xuduuda ciidamo gaaraya ilaa 16-kun askari, kuwaasoo qorsheynaya inay meelo kale u gudbaan.

Ukraine ayaa sheegtay in waqti kama dambeys ah ay u qabatay Ciidamada Ruushka ee qabsaday Gobolka Crimea, waxaana ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, isla markaana la soo baxday Ciidamadeeda Keydka ah.

Dhinaca kale Wasaarada Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay ka laabatay dhamaan heshiisyadii dhinaca milateriga ahaa ee ay la gashay Ruushka, waxaana ay u sababeysay fara gelinta milateri uu ku sameeyay Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo qawaaniinta dhuleed ee dalka Ukraine, isagoo si caro leh uga jawaabay fara gelinta milateri ee Ruushka.

Qaar ka mid ah wadamada ku jira G8 ayaa ka fikiraya in aysan ka qeyb gelin shirka ka dhacaya June dalka Ruushka, iyagoo u cuskanaya go’aankii Madaxweynaha Ruushka uu ciidamo ugu diray dalka Ukraine.

Ukraine ayaa ka mid aheyd wadamadii ka go’ay Midowgii Soviet, iyadoo bilooyinkii u dambeeyay uu ka taagnaa qalalaase siyaasadeed.

Qmidoobay-


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles